Gargaarka shisheeye: ma gumeysi maskaxeed mise gurmad!


“Bulshada caalamka, qaramada midoobe, mareykanka, waxaan ka codsaneynaa in ay gargaar degdeg ah noo fidiyaan ama nasoo gaarsiiyaan”. Hadaladaan waan maqalnaa marar badan gaar ahaan xiliyada ay dhacaan musiibooyinka dabiiciga ah (National disaster? sida abaaraha, fatahaadaha iyo wixii lamid ah oo aan ka maqalno madaxda ama shacabka.

Gargaarka shisheeye waxa uu qayb muhiim ah ka yahay nolosha maalinlaha ah ee dalalka soo koraya, gaar ahaan Afrika. Waxa uu gaaray heer lagu xisaabtamo, oo la sugo marka uu soo dhacayo sidii qaad ka raagay muqayiliintiina loogu qayliyo wax u dhigma “SOO DHACYEEY! 


Dawladaha Afrika gaar ahaan Somalia waxa la dareemi karaa in ay si xooggan isugu diyaariyaan maaraynta iyo meel-ku-basrinta wixii gargaar debadda uga soo xerooda dalka, iyaga oo sanaadiiq loogu talagalay, iyo kiishash gaar ah u samaysta! Saamaynta gargaarka shisheeye ku yeeshay siyaasadda, dhaqaalaha iyo qaabdhismeedka bulshada waddamadan waxa ay ahayd mid xajmigeeda aan indhaha laga qarsan karin, lana dafiri karin. 

Iyadoo markii ugu horeysay miisaaniyadda dalka ay sanadkan gaartay $1BILLION inkastoo 67% la filaayo in ay bixiyaan deeq bixiyayaasha. Dakhliga gudaha ee la filaayo in la soo saaro ayaa gaaraya 33% taasi oo ah nasiib daro aad u weyn. Inagoo buuxna kheyraad uu Illaahey nagu maneystay.


U jeedka laga leeyahay waxa lagu magacaabo gargaarka/deeqaha.


Gumeysi maskaxeed: Ma jiro gumeysi ka xun in lagaa gumeysto maskaxda. magaalada muqdisho duleedkeeda oo kaliya waxaa ku nool dad badan kumanaan gaaraya oo sheegta in ay qaxooti yihiin oo ka kala yimid gobolada Somalia. Dad kaasoo u badan beeraley iyo xoolo dhaqato.


Dhamaantood waxa ay mar walba sugaan hay’adaha.taasi oo keentay in aan niyadda ka dhimanay oo aan aaminay in aan isku filnaan karin, waxbana soo saaran karin anagoo awoodna heysana hanti nagu filan.

Dabcan dagaaladii burburkii, abaarihii, iyo dowlad la’aantii waxa ay inoo baahisay shisheeye laakiin, waa in aan isweydiinaan waligeen ma dawarsi iyo gacan shisheeye ayaan ku noolaaneynaa?

Gargaar-bixiyuhu waxa uu soo baxaa kan go’aanka gaaraya, oo waxa uu la wareegaa hogaan ka miiska oo go’aamidii muwaadiniinta iyaga ayaa gaara.


La dagaalan ka Somalia in ay gaarto xoriyad dhaqaale: waana nooc kamid ah la dagaalanka naloogu jiro in aan isku filnaan gaarno.  in aan waxaan cuneyno lasoo baxno waa aasaaska xornimada.  

hadaan kordhino wax soo saarkeena, waan isku filnaaneynaa. Haddaan isku filnaano waxaan ka baxeynaa gacanta shisheeye. Haddaan ka baxno baahida aan u qabno shisheeyaha, waan xoroobeynaa. Allah (SWT) wuxuu na siiyay dhul wax beerida ku haboon, raashin dabiici ahna laga soo saari karo. 

Sidaas daraadeed waxaan u baahanahay in aan la imaano kalsooni, dadaal, iyo caqli.


Khasaaraha aan ku qabno Gargaarka Shisheeye


Mid waa in aan ogaanaa, Ma jirto wadan raba in wadan kale uu horumar ama isku filnaan gaaro. Marka laga soo tago curyaaminta dadka hab fekerkooda iyo wax qabad la’aantooda. 

Faa’iida darada ugu weyn ee lagu qabo waa tayo la’aanta raashin ka lasiiyo dadka. Waxaa la inoo soo dejiyaa raashin ka haraadiga ah oo weliba dhacay oo ay usoo quuri waayeen in ay dadkooda cunaan ee lagu magacaabo surplus.


Khasaaraha kale ee aan ku qabno ayaa ah in raashin kaas ay bixiyaan ay san ka iibsanin ganacsatada soomaaliyeed 1kilo ha ugu yaraatee. Wadamada ugu badan uu ka yimaadana waa Mareykan ka iyo Yurub.

Sidoo kale, waxaa curyaamaaya dadka maskaxdooda. Oo ileen dadka markasta oo ay ku tashanaayaan gacmo kale, wax fikrad ah qofka kusoo dhaceysa ma jirto waana midda sababtay in dad badan oo beeraley ah ama xoolo dhaqato ahaa ay u soo guureen oo ay u soo hoos fariisteen hay’adaha wax bixiya. Waxaan ay leeyihiin raashin ka waa qashin oo iyaga ay faa’ido ugu jirto in ay nagu soo daadiyaan. Waxaana islee yahay ma jirto qasaaro taas ka weyn.


Muxuuna u Shaqayn karin Gargaarka Shisheeye ee mudada fog? Haddaba waa tan jawaabta.


Gargaarka shisheeye waxa uu keeni karaa ku-tiirsanaan iyo isku-hallayn; oo dadkuba waxa ay sugayaan inta deeqdu soo dhacayso! Xiliyada ay keenaan waa xiliga uu soo go’o dalaga dalkeena taasi oo niyad jab ku keenta beeraleyda. Iyadoo u jeedadu tahay la dagaalanka xoriyad dhaqaale oo ay Somalia gaarto.


Waxa uu daacadnimo dilaa bulshada rayidka ah. Oo bulshadii rayidka ahayd (civil society), ee ay aheyd in ay naqdiso xaaladda dalka iyo dowladda, ayaa ku milmaysa oo deeqda saamigeeda raadsaneysa! Markaa ayey gaareysaa heer aan lakala garan karin iyaga iyo xukuumaddiiba.


Waxa uu sababi karaa dagaallo sokeeye. Oo waxa la isku qabsadaa cidda maamuli laheyd. 

Waxa uu dhiirigeliyaa musuqmaasuqa oo natiijo ahaan hoos u rida kobocii. 

Dadka oo keli ah ma aha e, madaxda waxa ay noqdaan wahsi aan go’aamo waxqabad ah gaari karin, maddaama ay isku hallaynayaan gargaarka!

Deeqda faraha badan ee dal soo gaara, marka ciddii lagu soo hagaajiyay qaybi ku tagto, waxa la arkaa in, si uu indhaha iskaga jeediyo, uu la geliyo meelo aan baahi loo qabin; oo halkaa adduun dhani ku daayacmo. 

Maxaan u baahanahay?

Haddaan soomaali nahay, waxaan noqonay weel lagu dawersado, taasi ma ahan wax sumcad ama isku filnaan lagu gaaro. Waxaase nasiib daro ah in aan ka faa’ideysan weyno awoodeena maskaxeed iyo hantideena.

Waxaan u baahanahay in aan garowsano in aan leenahay ama aan ku nool nahay wadan hodan ah oo la la yaaban yahay hodantinimadaas, aduunkana indhiisu kusoo jeedaan sidii ay uga faa’ideysan lahaayeen.

In aan caqligeena ka shaqeysiino oo aan ku fekerno siddii aan uga bixi laheyn caawimaad weydiisashada shisheeyaha. Wadan kasta oo horumaray wuxuu isticmaalay awoodiisa uu kusoo saaran lahaa waxa dhulka hoostiisa iyo dushiisaba saaran. 

In aan la imaano kalsooni ah in aan awoodno in aan wax anaga aan leenahay sameysan karno. Aqoonteedana aan yeelano. 

Hadaan wax soo saarkeena kobcino, waan isku filnaaneynaa. Hadaan isku filnaano, waxaan ka baxeynaa baahida shisheeye. Hadaan ka baxno baahida shisheeye, waan xoroobeynaa. In aan waxaan cuneyna lasoo baxno waa aasaaska xornimada. 

Ugu dambeyn,

Alle wuxuu na siiyay dhul kii ugu wanaagsanaa ee wax lagu beeran karo oo dabiici ah. Sidaasi daraadeed waxaan u baahanahay in la imaano caqli, kalsooni, iyo dedaal. 

Maamulada ka jira wadan ka waxaa loo baahan yahay in ay ogaadaan dawarsigu dhibka uu leeyahay, ayna ku qasbaan hay’adaha shisheeye in aysan waxba keenin xiliyada uu dalagu soo go’o. 

Ganacsatada iyo shirkadaha soomaaliyeedna waxaa loo baahan yahay in ay yareeyaan raashin ka ay dibada ka keenayaan, ayna maalgelin ku sameeyaan sidii wax soo saarka dalka loo kobcin lahaa. Taasey faa’iido ugu jirtaa iyaga ummaduna horumar ku gaari kartaa. 

Shacabkana waxaa la gudboon in ay cadaadis saaraan maamulada, ganacsatada iyo shirkadaha soomaaliyeed si muhiimada loo siiyo wax soo saarka dalka. 

Qof walba oo Soomaali ahna waxa ay masuuluyad ka saaran tahay in uu aamino waxa dalka kasoo baxa in uu ka fiican yahay, waxaan dibadda laga keenaayo.

Hadeynaan ku dadaalin in aan isku filnaano, waligeen ma xoroobeyno.


Comments

Popular posts from this blog

A Double Burden: How the New VAT is Squeezing Somali Citizens Without Government Services

A decade of strive: what the future holds for Somali youth after accession to the EAC