Posts

Showing posts from April, 2024

Gargaarka shisheeye: ma gumeysi maskaxeed mise gurmad!

Image
“Bulshada caalamka, qaramada midoobe, mareykanka, waxaan ka codsaneynaa in ay gargaar degdeg ah noo fidiyaan ama nasoo gaarsiiyaan”. Hadaladaan waan maqalnaa marar badan gaar ahaan xiliyada ay dhacaan musiibooyinka dabiiciga ah (National disaster? sida abaaraha, fatahaadaha iyo wixii lamid ah oo aan ka maqalno madaxda ama shacabka. Gargaarka shisheeye waxa uu qayb muhiim ah ka yahay nolosha maalinlaha ah ee dalalka soo koraya, gaar ahaan Afrika. Waxa uu gaaray heer lagu xisaabtamo, oo la sugo marka uu soo dhacayo sidii qaad ka raagay muqayiliintiina loogu qayliyo wax u dhigma “SOO DHACYEEY!  Dawladaha Afrika gaar ahaan Somalia waxa la dareemi karaa in ay si xooggan isugu diyaariyaan maaraynta iyo meel-ku-basrinta wixii gargaar debadda uga soo xerooda dalka, iyaga oo sanaadiiq loogu talagalay, iyo kiishash gaar ah u samaysta! Saamaynta gargaarka shisheeye ku yeeshay siyaasadda, dhaqaalaha iyo qaabdhismeedka bulshada waddamadan waxa ay ahayd mid xajmigeeda aan indhaha laga qarsan karin,