Bulsho Noocee ayey Somalia u Baahan Tahay?
![]() |
Annaga ka bulsho islaam ah ahaan, waxaa muhiim ah in aynu wax
baddan qaadno waddooyinka noo horseedi kara horumarka iyo wanaaga kana fogaano
midda xumaanta iyo dib u dhaca. Markaad dib u eegto dalkeena waxaa uu bur bur
iyo jahwareer na heystay muddo aad iyo aad u dheer oo arimaheena maalinba
maalinta ka danbeysa waa ay kasii dareysay.
Haddaba, bulshadu si ay isu horumariso waxaa muhiim ah in ay arrimo
badan ka shaqeysaa, halkana waxaan rabaa in aan kaga jawaabo su’aashan:
Bulsho noocee ah ayey Somalia u baahan tahay?
Alle ka cabsiga. Bulshada
muslimka ah waxaa muhiim ah in ay ka cabsato Allaahi abuurtay oo ay la timaado
ujeedooyinkii loo abuuray ee aheyd cibaadada Allaah oo ay ilaaliso dhammaan
tiirarka islaamka. Xaqiiqdii qofka haddii uusan ka baqeyn Allahi abuurtay
horumar walboo uu sameeyo meel ma gaarayo. Marka si ay bulshadu danaheeda ugu
hagaagaan waa in ay mar walbaa xasuustaan Allahi abuurtay.
Aqoonta iyo cilmiga. Adduunyada sida joogtada ah u kobcaysa, helista aqoontu
waxay noqotay mid ka muhiimsan sidii hore. Xilligan la joogana hubka ugu
weyn ee lagu dagalamaayana waa cilmiga.
Bulsho ku tartanta tarbiyeynta wanaagsan ee carruurta. Uu midba
midka kale ugu faano in uu soo saaraayo caruur akhlaaq wanaagsan, waxbaratay oo
waalidiintooda iyo bulshadaba waxtar u leh.
Bulsho han sare leh. Bani’adam ku mar kasta uu hadaf yeeshoo, kuna dhaqaaqo wuu gaari karaa. qof han leh reer ma qaado. Han in ay dad ku yeeshaan oo ah sidee dunidan ku bedal naa saameyna ugu reebnaa. Caalamka bashar baa maamula bashar beynu nahay, kumanaan yar ee kugu reer ah qeyb qeybintooda waxba tarimeyso. Dad han leh aan noqono oo bulshadeenan meesha ay taalo aan ka qaadno.
Waxaan u baahanahay bulsho ku tartanta horumarka iyo isbedelka.
Caqiidada reernimada ee diin, wadan, dadnimo, iyo
dhaqanba ka xooga badani inta ay jirto mar walba waa nalagu gorgortami doonaa.
Gaaladii gumeysiga reerbaa loo raacay, dad kale loo laayay, wixii soomalida
xornimo doon laheyd reer baa lagu dumiyay, waxey dowlad yeelatay reeraa lagu
dumiyay. qofka bini’adam ka hadii caqliga laga gumeysto unbaa la gumeysan
karaa.
Reernimada ayaa qofka soomaaliga ah kala qaalisan dowladnimada,
dadnimada, diinta, caqiidada iyo wax walba. waana cadowga kobaad ee soomali leedahay,
laakiin aynan cadow u arkin. Aragtidaas waxaa wanaagsan in aan gebi ahaan ba ka
takhalusno oo ay dadnimo, muslim nimo, iyo somalinimo dhaqan ah uu noo bedalo.
Bulsho ku midowda Soomaalinimada. Dadkeenana inta ay midoobi karaan
ha midoobeen oo halis kaga deydo isbedelada wanaagsan ee la sameynaayo. Haddii
wax lagu kala qeybsan yahay jiraan, waxeynu ka mideysan nahaa jira oo badan.
Waxaan u baahanay bulsho waxbaratay. Oo wixii ay bartayna ku
dhaqanta.
Haddii intaas si balaaran looga fekero wax badan baa la qaban karaa
laakiin, inta ay fikradu ku kooban tahay reer hebel, reer hebel dhulka ma
geliyay, managa dhimasho badan yihiin, maka hub badan nahay, maka laandheer
sanahay, waxba ma hagaagayaan soomaali oo kaliya ayaad ciida hoos marisay ee
waxba masoo kordhinin.
Bulshooyinka horumarka ka gaaray nolosha qeybaheeda kale duwan
waxaa la ogaaday inay yihiin kuwa aad iskugu duuban oo ay adagtahay in si fudud
loogu dhex faa’ideysto. Nabigeena (nnkh) wuxuu yiri “Muslimka wuxu u yahay
Muslimka kale dhismo oo kale, kaas oo barkiiba adkaynaayo barka kale”
Bulshada illaaliso walaaltinimada dhexdeeda ee mid noqoto ma jirto
cid waxyeeli kartaa. Haddii uu cadow ku soo duulana si fudud aya isaga caabin
karaan. Haddiise ay iyada dhexdeeda is colaadsato, isna cunto, waxa cad in cid
kastaa ay kaa adkaanayso. Waana fududahay in iyaga dhexdooda la isku diri karo
waliba si fudud. Bulshada Soomaaliyeed ayaa arrintaan maanta tusaale fiican u
ah. Markii aan mideysneen ee aan halka qof isku eheyn, cadawgii na qabsan kari waayey,
uuna qeybiyay markii aan qaybsanayna ee barkoodba bar ka kale qashay!!!
Comments
Post a Comment