Posts

Showing posts from February, 2024

Bulsho Noocee ayey Somalia u Baahan Tahay?

Image
  Dunidan aynu ku noolnahay markaad dib u eegto bulsho walboo meel degan inta baddan horumarkeedu waxa uu ku xiran yahay hadba bulshadaas siday iyadu isu dhisto ama ay uga qeyb qaadato horumarka dalkeeda iyo dadkeeda. Bulsho ma jirto hormartay illaa waxa ay qaaday tallaabooyin garsiin kara waxa ay ku hormartay. Annaga ka bulsho islaam ah ahaan, waxaa muhiim ah in aynu wax baddan qaadno waddooyinka noo horseedi kara horumarka iyo wanaaga kana fogaano midda xumaanta iyo dib u dhaca. Markaad dib u eegto dalkeena waxaa uu bur bur iyo jahwareer na heystay muddo aad iyo aad u dheer oo arimaheena maalinba maalinta ka danbeysa waa ay kasii dareysay. Haddaba, bulshadu si ay isu horumariso waxaa muhiim ah in ay arrimo badan ka shaqeysaa, halkana waxaan rabaa in aan kaga jawaabo su’aashan: Bulsho noocee ah ayey Somalia u baahan tahay?  Somalia waxey u baahan tahay bulsho ku tartanta: Alle ka cabsiga . Bulshada muslimka ah waxaa muhiim ah in ay ka cabsato Allaahi abuurtay oo ay la timaado