Xalku Wuxuu ka Bilaabmaa Waxbarashada Carruurnimada Hore

Maalmahan dambe, marka aan bulshadeenna Soomaaliyeed  ku dhex jiro, dhagaheygu waxaa aad ugu soo laalaabta weerahan “caruurtii waa laga yaaban yahay”, caruurtii samankan isku mid ayey noqdeen”, caruurtii waxbarasho waa lagu kari la’ayahay”, caruurtii war ma maqlayaan iyo qaar kaloo intaa ka badan.

Kadib waxaan is weydiiyay, maxey tahay bulsho dhan oo isku arin ka wada cabanaayaan? maxey yihiin waxa naga qaldan? Waxaa ii soo baxday in nagala heysto helidda waxbarasho tayo leh, gaar ahaan waxbarashada carruurnimada hore.

Laga bilaabo goorta dhalashada ilaa da'da lix jir, maskaxda ilmuhu waxay u koraan si ka dhaqsi badan  marka loo eego da’aada kale. Inta lagu jiro wakhtigan, maskaxda ilmuhu waxay samaysaa in ka badan hal milyan oo isku xirka synaptik (synaptic) cusub ilbiriqsi kasta, taasoo muujinaysa inay wax badan ka bartaan wakhtigan inta lagu jiro noloshooda oo dhan.

Waxyaabaha ay bulsho kasta rabto in ay gaarto waa horumar. Waxaa cad in horumarka waddan uu ugu horreeyo dadkiisa iyo kheyraadkiisa. Si kastaba ha ahaatee, waxay ku xiran tahay dadka oo kaliya, ilaa xadka ay u isticmaali karaan kheyraadkooda si hufan, si ay u gaaraan heer degdeg ah oo horumar iyo horumarro hal abuurnimo leh. Maadaama ay dadku ka ciyaaraan doorka ugu muhiimsan ee qaabaynta maqaamka dal; waxbarashada ayaa ka masuul ah qaabeynta qofka.

Qormadeydan waxaan kaga hadlayaa cinwaan aan is leeyahay wey nagu yartahay ka hadlidiisa, balse, wax badan oo isbedel ah ay ku xiran yihiin haddii si dhab ah loo fahmo. Waxaan diiradda ku saari doonaa waxa ay tahay waxbarashada caruurnimada hore, faa’iidada ay leedahay, saameynta ay bulsho ku yeelan karto hadey xoojiyaan, iyo Sababaha ay muhiim ugu tahay waxbarashada caruurnimada hore wadamada soo koraya sida Soomaaliya.

Aan ku bilaabo, waxbarashadu kama bilaabato xanaanada. Laga soo bilaabo xilliga ay uur ka galaan oo ay abuurmaan Neurons illaa iyo xilliga ay dhashaan, carruurtu waxay sahamiyaan, la kulmaan, oo wax ka bartaan adduunka ku xeeran. Wakhtigana (0-6 sano) waa marka uu qof bani’adam ah uu sameynaayo horumarada ugu  degdegga badan nolosha qofka.

Waxbarashada Carruurnimada Hore (WCH) waxaa loola jeedaa xilliga waxbarashada ee dhacaya sanadaha hore ee nolosha ilmaha, sida caadiga ah laga bilaabo dhalashada ilaa lix sano jir. Marxaladan waxbarashadu waa mid muhiim ah maadaama ay aasaas u tahay waxbarashadooda, korriinka, iyo fayoqabka ilmaha cimrigiisa oo dhan. Waxbarashada caruurnimada hore kuma koobna waxbarashada akadeemiyadeed ee waxay dhiseysaa ama horumarineysaa garashada (Cognitive) , bulsho (Social), shucuur (emotional), iyo korriin jireed (physical development). Waxbarashadani waxay aasaas u tahay horumarka ubadka waana mid go’aamisa mustaqbalkooda.

Caruurtu markey da’aadan joogaan daqiiqad kasta, ilbiriqsi kasta oo noloshooda kamid ah waxey baranaayaan markii uu caloosha galo ilaa uu lix jir ka gaaro maskaxdiisa waxey duubeysaa. Tusaale, ilmaha markey yar yihiin waxaa la dhahaa ma hadlo, wax ma fahmaayo wuu yar yahay; xaqiiqaduse saas ma ahan, ilmahaan yar intuu aamusan yahay maskaxdiisa ayaa shaqeynaysa. Dhaqan walba oo guriga ama bulshada ka dhaco, dhaqan walba oo aabaha ama hooyadu sameeyaan, wuxuu arko ama wuxuu taabto wax buu baranaayaa. Marka uu weynaado qofka uu noqonaayo, dhaqanka uu sameynaayo, horumarka uu raadinaayo, haddii ay wanaagsan yihiin ama aysan wanaagsaneyn, waa wixii ay maskaxdiisa duubtay markuu yaraa, iyaga ayuuna fulinaayaa.

Waqtiyadaana waa waqtiyada ay ugu su’aala badan yihiin, uguna dhibka badan yihiin. Xiiso (curiosity) badan ayaa ku jira wax walbana waxey rabaan in ay wax ka ogaadaan.

Maxey WCH caruurta muhiim ugu tahay?

Horumarinta Maskaxda:

Maskaxdu waxa ay martaa koritaan degdeg ah iyo korriin inta lagu jiro carruurnimada hore, samaynta balaayiin isku xidhka neerfaha ilbiriqsi kasta dhawrka sano ee ugu horreeya. Xiriiradani waxay abuuraan wareegyo adag oo taageera dhammaan waxbarashada mustaqbalka, xusuusta, iyo hababka fikirka.

Waayo sanadaha hore ee nolosha ilmuhu waa xilli xasaasi u ah korriinka maskaxda. Inta lagu jiro wakhtigan, maskaxda carruurtu aad bay u soo dhawaysaa waxbarashada iyo waayo-aragnimada. WCH waa deegaan kobcin iyo korriin oo taageerta korriinka maskaxda caruurta sida ugu wanaagsan, iyagoo asaas adag u dhigaya waxbarashada mustaqbalka iyo guusha tacliinta.

Waayo-aragnimada wanaagsan sida korinta daryeelka, ciyaarta, iyo bay'ada kicinta waxay xoojiyaan isku xirkaan, halka khibradaha xuni ay carqaladayn karaan.

Kobcinta Garashada:

Carruurnimada hore waa wakhtiga aasaaska u ah luqadda, akhris-qoraalka, xisaabinta, iyo xirfadaha xalinta dhibaatooyinka. Barnaamijyada tayada leh ee WCH waxay bixiyaan khibrado lagu dhiso xirfadahan ciyaarta, sahaminta, iyo isdhexgalka.

Koboca garashada hore ee xooggani waxay saadaalisaa guul waxbarasho oo wanaagsan nolosha oo dhan, taasoo u horseedaysa heerar sare iyo fursadaha mustaqbalka ee waxbarashada iyo shaqada.

Horumarka Bulshada iyo Dareenka:

Carruurtu waxay bartaan xirfadaha la falgalka bulshada ee muhiimka ah sida isgaarsiinta, iskaashiga, dareenka, iyo xallinta khilaafaadka inta lagu jiro carruurnimada hore. Xirfadahani waxay muhiim u yihiin dhisidda cilaaqaad togan, u maareynta xaaladaha bulshada, iyo ilaalinta wanaagga shucuureed.

Barnaamijyada WCH waxa ay siiyaan fursado ay carruurtu ku shaqeystaan ​​xirfadahan iyaga oo la falgalaya facooda iyo daryeelayaasha, kobcinta horumarka bulsheed oo caafimaad qaba.

Caafimaadka Jirka iyo Ladnaanta:

Caadooyinka carruurnimada hore iyo khibradaha ayaa si weyn u saameeya caafimaadka jirka mustaqbalka. Cunto caafimaad leh, dhaqdhaqaaq jireed, iyo caadooyin hurdo oo wanaagsan xilliga caruurnimadii hore waxay wax ku biirin karaan caafimaadka iyo fayoobaanta nolosha oo dhan.

Barnaamijyada tayada leh ee WCH waxay kor u qaadi karaan caadooyinka caafimaadka qaba iyada oo loo marayo waxqabadyo waxbarasho, ciyaaro bannaanka ah, iyo ikhtiyaarrada cuntada caafimaadka leh, iyaga oo seeska u dhigaya qaab nololeed caafimaad leh.

Kala duwanaanshiyaha la dhimay: Maalgelinta WCH, gaar ahaan bulshooyinka danyarta ah, waxay yareyn kartaa farqiga guusha ee u dhexeeya carruurta ka soo jeeda asal kala duwan, abuurista bulsho sinnaan leh.

Saamaynta Qoyska: Helitaanka Waxbarasho Caruurnimada Hore, la awoodi karo tayana leh waxay u oggolaanaysaa waalidiinta, gaar ahaan hooyooyinka, inay raacaan shaqada ama waxbarashada, hagaajinta xasilloonida dhaqaalaha qoyska iyo fayoobida. 

Sababaha ay muhiim ugu tahay Waxbarashada Caruurnimada Hore wadamada soo koraya

Waxbarashada caruurnimada hore (WCH) waxay Soomaaliya u leedahay muhiimad wayn, taasoo koobaysa hamiga horumar waara, sinnaan bulsho, iyo barwaaqo dhaqaale. Gobolka ay la daalaa dhacayso faqriga, colaadaha, iyo helista waxbarasho tayo leh.

WCH ayaa muhiim u ah wadamada soo koroya, halkaas oo ay ka ciyaari karto door wax ku ool ah sida:

Maalgelinta Raasamaal Aadanaha (Investing in Human Capital)

Jebinta meertada faqriga (Breaking the Cycle of Poverty)

Wax ka qabashada dib u dhacyada korriinka (Addressing Developmental Delays)

Isku-dhafka (Inclusivity)

Ka Hortagga Dambiyada (Crime Prevention)

Horumarinta Isku-xirka Bulshada (Promoting Social Cohesion)

Dhibaatooyinka habdhaqanka oo yaraaday (Reduced behavioral problems)

Xoojinta Waalidiinta iyo Bulshada (Empowering Parents and Community)

Gebagebadii, Waalidiintu waa macallimiinta ugu horreeya ee ilmaha, guriguna waa fasalka koowaad ee ilmaha. Taageerida guusha ardaydu waxay ku bilaabataa heshiis la wadaago qoysaska, dugsiyada iyo bulshada si ay u wada shaqeeyaan. Waxaan waalidiinta Soomaaliyeed kula dardaarmayaa in ay aad xooga u saaran tarbiyada caruurta iyo waxbaridooda. Caruurtu waa hanti. U noqda dadka ay ku deydaan, si aan uga baxno dib u dhaca bulsho ee na heysta.

Comments

Popular posts from this blog

Gargaarka shisheeye: ma gumeysi maskaxeed mise gurmad!

A Double Burden: How the New VAT is Squeezing Somali Citizens Without Government Services

A decade of strive: what the future holds for Somali youth after accession to the EAC